Ciidamada Itoobiya Oo Qarax Lagula Eegtay Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo

Ciidamo ka tirsan kuwa Itooiya iyo kuwa Dowladda oo dhex maraayey Magaalada Baardheere ayaa qaraxa lala eegtay waxaana ka dhashay Khasaaro sida wararka ay sheegayaan.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog laga hago ayaa markaliya lagu dhex qarxiyey ciidamada huwanta iyagoo aanan filanenin oo iska dhex yaacaayo magaalada gudaheeda.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay qaraxan ciidamada lagula eegtay Baardheere, waxaana aad u adag in la helo xaqiiqada khasaaraha maadaama ay adagtahay in loo dhowaado ciidamada Itoobiya marka qarax sidaan oo kale ah lala eegto.
Sida caadada ah, qaraxa kadib ciidamada waxa ay dhinacyada u fureen rasaas aad u xoogan, ma la garanaayo rasaastaasi inay geysatay khasaaro soo gaartay dadka shacabka ah ee magaalada ku haray.

Ciidamada Itoobiya ayaa bishii hore magaalada Baardheere kala wareegay Xarakada Alshabaab oo maamuleysay in ka badan 6 sano.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE