Dad Soomaali Ah Oo Meydadkooda Laga Helay Magaalada Nyeri Ee Bartamada Dalka Kenya

Ilaa Sadex qof oo Meyd ah ayaa lagu arkay magaalada Nyeri ee bartamaha wadanka Kenya. Meydadkan oo la sheegay inay yihiin Soomaali ayaa la aaminsan yahay in meelo kale lagu soo dilay kadibna halkaas lagu soo tuuray.

Meydadkan sadexda ah ayaa la sheegay in laba kamid ah madaxa uga yaalaan dhawacyo u muuqdo Rasaas halka qofka kalena ee sadaxaad biyo laga dhex helay balse loo maleeynaayo in ceejo lagu dilay.

Waxaa la tuhmayaaa in falalka noocaan ah ay geysanayaan ciidamada Kenya ee Israel u soo tababartay inay la dagaalamaan dadka Islaamka ah. Dad wadaado ah oo hada ka hor laga afduubay magaalada Gaarisa ayaa sidaan oo kale iyagoo meyd ah laga helay deegaano ku yaalo bartamaha dalka Kenya.

Saxaafada Kenya qaarkeeda ayaa laga soo xigtay inay jiraan dad laga afduubtay deegaano Kenya ka tirsan oo eheladooda ay  la’yihiin meel jaan iy cirib ay dhigeen dadkaasi maqan.

Ciidamada Kenya ee qaabilsan la dagaalanka argagaxisada (GSU) ayaa sidaan oo kale dad badan oo Soomaali iyo Muslimiinta reer Mombassa ah ugu laayey meelo badan oo Kenya ka tirsan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE