Dhegeyso Maamulka Shariif Xasan Oo Sii Luminaya Kalsoonida Shacabka Deegaanada hoosyimada

Xilibaan Maxamed lidie Geedi Xeroow oo ka tirsan  Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku ku sugan Gobolka Bakool ayaa sheegay in Degmooyin ku yaala gobolkaasi ay ka go’een maamulka Shariif Xasan ee Koonfur galbeed.

Xilibaankan ayaa tilmaamay shacabka ay ku matalaan Baarlamaanka soomaaliya ay u dhiibteen fariin loogudbinayo Dowlada dhexe ee Muqdisho oo ku cad hagar daamada Shariif Xasan iyo go’aanka ay ugu biireen Maamulka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Degmooyinka Aato, Yeed iyo Ceelberde ayuu  Xilibaan Xeerow sheegay in ay u cuskadeen go’aankooda qodobo kala duwan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE