Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir Oo Qarax Lagu Dilay

Gelinkii dambe ee maanta waxaa magaalada Muqdisho  lagu dilay mas’uu la sheegay inuu ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir xil li uu marayay degmada Xamar Jajab.

Mas’uulkan ayaa dilkiisa loo adeegsaday qarax loogu soo rakibay gaari nooca raaxada ah oo uu marxuumka adeegsanaayey.

Magaca marxuumka oo lagu soo koobay Eng Siidow ayaa la sheegayaa inuu halkaasi ku geeriyooday, iyadoo daqiiqado kaddib ay goobtaasi soo gaareen ciidamada dowladda kuwaasi oo bilaabay baaritaano inkasta oo aanay suuragelin inay helaan kooxihii qaraxaasi ka dambeeyay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE