Qaar ka mid ah Deegaanada hoos yimaada Magaalada Marka Oo ka fiirsanaya la shaqeynta Maamulka Marka yimid

Qaar ka mid ah maamulada deegaanada hoos yimaada Magaalada Marka ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan la shaqeynta maamulka Xasan Cumarey ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu la yimid wax aan u cuntamid shacabka deegaanka.

Maamuladan ayaa sheegay in ay mas’uul ka yihiin shacab ayna ka go’antahay in ay ku shaqeeyaan rabitaankooda iyo waxa ay u arkaan maslaxadooda.

Waxa ay sheegeen in marar badan ay xiriiro la sameeyaan Gudoomiye Xasan ayna u sheegeen in uu la yimaado nidaam ay kula shaqeen karaan maamulkiisa maadaamaa in muda ah la sugayey.

Maamuladan ayaa sidoo kale sheegay shacabka ay waqti badan ku sugnaayeen marxalado kala duwan, nolol kastana ay ka doorteen inay ku jiraadaan nolol xuriyadeed si walba oo lagu heli karo.

Maamulka ayaa ilaa haatan aan kormeer ku tagin deegaanada ay ka dhaceen dhibaatooyinka Mooryaanta ay horseedeen isagoona taasi bedelkeeda ku hoos jira Mooryaanta dadka dhibaatada baday.

Deegaanada qaar ayaa waxa weli isku horfadhiya Ciidanka deegaanka iyo Mooryaanta dhul doonka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE