Dagaal khasaare lagu gaarsiiyey Mooryaanta Xasan Jaamici Oo Maanta ka dhacay Deegaanka Siinaay Ee Duleedka Shalambood

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Siinaay ee Duleedka Deegaanka Shalambood ayaa sheegaya in Maanta uu ka dhaca Dagaal khasaare geystay.

Dagaalada ayaa u dhaxeeya Ciidamada Deegaanka iyo Mooryaan hoos tagta Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey ka dib markii Mooryaant Xasan Jaamici ay weerar ku qaadeen Siinaay oo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada deegaanka.

Mooryaanta ayaa lasoo sheegayaa inay kusoo jabeen weerarkii siinaay halkaasna looga soo reebay mid ka mid ah mooryaanta oo si weyn looga garanayo Shalambood islamarkaana ka tirsanaa kooxo takfiir ah oo mooryaanoobay.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in mooryaanka meydkiisa uu hada yaalo Siinaay ayna awoodi waayeen inay qaataan kuwii weerarka soo qaaday.

Xaalada ayaa hada u muuqata mid kacsan waxaana goordhow halkaasi gaaray Ciidamo gurmad ah oo ka tagay Deegaanka Gandaawi.

Waxaa lagu soo waramayaa in maleeshiyo ku hubeysan ilaa laba gaadiid oo kuwa dagaalka ah ay haatan soo gaareen Shalambood oo uu wato Kaaba Mooryaan Goobaale.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa insha allah.s

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE