Dhageyso Gudoomiye Xasan Cumarey oo ka hadlay Maleeshiyada ku sugan Marka iyo nin ka soo jeeda Biimaal oo maleeshiyada Xasan Jaamici Ku dileen Shalambood Haraaga Meydkiisa oo waraabe Cunayna laga helay…

Gudoomiyaha degmada Marka ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka warqabo nin gaari lagala degay Shalmbood oo ilaa hadda aan la ogeen halka uu ku dambeeyay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ninkaas geeri aysan ku hubin,balse waxa uu sheegay in uu jiro nin kale oo beeraley ah oo lagu dhex dilay beertiisa oo ka soo jeeda beesha kale.

Gudoomiye Xasan ayaa baaq u diray labada beelood ee dadka barimageydada iska dialaya, waxa uuna sheegay in shareecada islaamka aysan ku banaanayn dilka noocaas ah.

Warar aan ka helnay qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Meydka ninka ay maleeshiyada Xasan Jaamici Gaariga kala degeen laga helay duleedka Shalambood.

Dhanka kale,gudoomiyaha oo la weydiiyay maleeshiyada Habargidir ee aan maamulkiisa hoos imaan oo ku sugan Marka ayaa sheegay in maleeshiyo hubeysan ay xitaa Xamar joogaan laakiin cid maamulkiisa in ay ka soo horjeedo qiratay aysan Marka ku sugneyn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE