Dhageyso Xildhibaan Afaraale “Beesha Ogaden Ma Degaan Gobolka Bakool, Sida Jubbaland U Boobeen Ayey Rabaan Inay Bakool U Boobaan”

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda koonfur galbeed gaar ahaan gobolka Bakool oo la hadlayey wariye u muuqday mid beesha Ogaden dhul u raadinaayo isla markaasina ka tirsan idaacadda Goobjoog ee Muqdishu.

Xildhibaan Afaraale ayaa sheegey in gobolka Bakool uu ka kooban yahay 5 degmo oo kala ah degmooyinka Xudur, Rabdhure, Ceelberde, Tiyeeglow, iyo Waajid.

Xidhibaanka wuxuu soo hadal qaaday deegaanada Aato iyo Yeed oo uu sheegay in beesha Ogaden ee Xuseen Cabdi Xalane ka dhashy aysan deganeyn balse ceel biyoodyo ku yaalo deegaanadaasi ay u yimaadaan inay xoolaha ka waraabsadaan iyagoo ka soo gudbaayo xuduudda Somalia la wadaagto Ethiopia.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE