Dhegeyso Gudoomiye Yariisow “Maamulka Xasan Cumarey waa Mid lagu afgembinayo Maamulkeygii Marka”

Gudoomiyahii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo wareysi siiyey Markanews ayaa sheegay in weli uu yahay gudomiyaha saxda ah islamarkaana ay jirin cid xilkiisa sheegtan karta ama ka qaaday.

Waxa uu shegay in maamulka Marka tagay uu yahay mid lagu afgembinayo maamulkiisa oo sida uu sheegay soo maray marxalado kala duwan.

Gudoomiye Yariisow ayaa dhanka kale eedeyn usoo jeediyey Odayaal uu ku sheegay in ay ku fashilmen howlo aan loo dirsan oo waxba ay ka qaban karin hase ahaatee uu ugu baaqay in dhiigooda ay u horaan xoreynta deegaanka.

Ugu dambeyn Gudoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay Madaxweyne Sharif in uu ka tala maqlo Shacabka soo doortay si uu u garto halka ay wax ka qaldanyihiin, uuna baajiyo dhiig hor leh oo ku daata Shabeelada hoose.

Dhegeyso Gudoomiye Yariisow.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE