Faahfaahin Laga Helayo Dil Mooryaanta Habargidir Ugu Geysteen Duleedka Shalambood Wiil Dadka Deegaanka Ah

Waxaa faafaahin dheeraad ah ay kasoo baxayaan dil ka dhacy deegaanka Kabtaan-laas oo u dhaxeeya Shalambood iyo Danow ee Gobolka Shabeelada hoose.

Sida aan ku heleyno xogta dilka ayaa dhacay Maalintii Jimcaha ee dhamaadkii todobaadkii hore, waxaana meydka lasoo helay shalay gelinkii dambe.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamed Suufow oo deegaan ahaan kasoo jeeda Deegaanka Gandaawi Oo Shalambood ka tirsan.

Maalintii Arbacada ee todobaadkii hore ayaa Cabdi Maxamed Suufow lagala degay Mooto uu ka raacay Shalmbood oo kusii jeeday beeraha Kabtaanka oo isaga u shaqa tagayey.

Mootaada ayaa waxa kala degay laba mooryaan oo magacyadooda lagu kala sheegay Nuur Cawaale iyo C/hi Cagmadhige oo ka mid ahaa Mooryaanta Xasan Jaamici oo xooga ku jooga Shalambood.

Meydka ayaa gelinkii dambe shalay laga soo qaaday Deegaanka kabtaanka waxaana lasoo wariyey in uu isbedel oo meel lagu haayey tan iyo maalintii jimcaha oo laga warhelay dilka wiilka.

Warar ayaa sidoo kale sheegaya in qeyb ka mid ah Meydka u cunay Waraabe ama dhurwaa.

Ehelada wiilka ayaa sheegay in maalintii arbacada iyo khamiista wiilkooda uu ku xirmaa beer ku taala duleedka Kabtaanka islamarkaana habeenkii Jimcaha lagu dilay beertaas dhexdeeda sida ay ku heeleen xog aruurin ay sameeyeen.

Mooryaanta arxan laabayaasha ee ku sugan qeybo ka mid ah shabeelada hoose ayaa ku kaca falal sharciga iyo bina aadan-nimada ka baxsan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE