Kalfadhigii Lexaad Ee Baarlamaanka Oo Maanta Lasoo Xirayo

Kalfadhiga Lexaad ee baarlamaank fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in uu soo xirmo kadib, dib u dhac dhawaan ku yimid markii uu xirmi lahaa waqtigii loogu talagalay.

Munaasabada lagu xiryao fadhiga isla markaana fasax uu ku galayo Baarlamaanka ayaa wax ka qeyb galaya Madaxweynaha Dowlada fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wadooyinka Soo gala madaxtooyada ayaa lasoo dhoobay ciidamo fara badan oo isugu Boliis. nabad sugid iyo amisom si ay uga hortagaan weeraro shabaab ay ka fuliyaan xarunta Baarlamaanka oo saake fadhiga uu soo xiray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wadada makka al mukarama oo halbowle u ah isa socodka gaadiidka dadweynaha ayaa maanta gabi ahaanba la xiray, waxaana loo ogolyahay kaliya dadka ka shaqeeya xafiisyada dowlada ee aqonsiyada wata.

Dhawaan ayaa gudoonka baarlamaanka soomaaliya waxa uu sheegay in kulamada baarlamaanka ay socon doonaan ilaa laga dhameystirayo howlaha horyahaala.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE