Maxkamada Sacuudiga Oo Ganaax Kusoo Rogtay Shirkada Dhismaha Bin Laadin Groub

Maxkamada Dalka Sacuudiga ayaa go’aan kasoo saartay shaqada Shirkada Dhismaha Bin laadib ka wado dhismaha barakeysan ee Xaramka.

Xog laga helay baaritaan hordhac ah oo lasameeyey ayaa tilmaameysa in Wiishka soo dumay aan si qumaati leh loo rakibin islamarkaana in uu soo dumo ay sababeeb roobab dabeylo xoogan wata.

Milkiilayaasha iyo maareeyayaasha Binlaadin Groub ayaa lagu amray in aanay ka bixi Karin wadanka sacuudiga inta laga dhameenayo baaritaanka ku bilowday shirkada qaabka uu usoo dumay wiishka galaaftay nolosha xujey badan oo waqtigaasi ku sugneyd Xaramka.

Maxkamad ayaa xukuntayn in la siin doono dadka geeriyoodey magdhow gaaray 1, milyan oo riyaal oo u dhiganta $230,000 qofkiiba, sidoo kale dhaawacyada ayaa loo qoondeeyey la siin doono qofkiiba 500 000 oo riyaal ah.

Magdhawgan ayaa waxaa sidoo kale ansixiyey Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan oo booqday dadkii dhaawaca kasoo gaaray shilkaasi, wuxuuna Boqorka Sucuudiga sheegay in dhamaan qoysaska dadka ka dhinteen labo xubin oo kamid ah ay Boqortooyada bixin doonto Xajkooda sanadka danbe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE