Odayaal Ay Horkacaayaan Ugaaska Beesha Biimaal Iyo Nabadoon Tima Guduud Oo Lagu Soo dhaweeyey Nambar 50

Odayaal uu hugaaminayo Nabadoon Maxamed Abuukar Tima guduud ayaa gaaray Degmada Nambar 50 ee Gob0lka Shabeelada Hoose.

Socdaalka Nabadoonka ayaa waxa ku wehliyey Ugaaska guud ee Beesha Biimaal Ugaas Axmedey Ugaas Siid Cali iyo odyaal kale, waxaana Degmada kusoo dhaweeyey odayaal, waxgarad iyo maamulka.

Inta aanay gaarin Nambar 50 ayaa Ugaaska iyo Nabadoon Tima guduud waxa soo dhaweyn iyo martiqaad ay ka heleen deegaanka Muuri oo ay kula soo kulmeen Odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Nabadoon Tima guduud oo mudo ku dhawaad 30 habeen ku xirnaa xabsi ku yaala Muqdisho ayaa socdaalkiisa ku qotomey sidii uu uga xog warami lahaa odayaasha iyo maamulka deegaanka sababtii loo xiray iyo cida ka dambeysay.

Tima guduud ayaa markii uu soo gaaray Nambar 50 waxa uu meel fagaare ah ka yiri “Tima guduud waakan Nambar 50 ayuu joogaa ninkaan maqlin ha maqlo, Ugaas Axmidey ayaa ila socda ma ihi dambiile Muqdsiho ku xabisan”.

“Ujeedka Safarkeena waa inaan dadkega u ogeysiin lahaa inaan weli u taaganahay gudashada shaqada oo horey u haayeey colaad kasta oo igu soo gaartana waajibaad ayaan gudanayaa, waan ognahay inaad ka xumaateen xarigayga laakiin Tima guduud iyo Ugaaskiisa oo caafimaad qaba ayaa socda booqashana idin kugu yimid” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Nabadoon Tima guduud.

Ugaas Axmidey Ugaas Siid Cali, Nabadoon Tima guduud iyo Maamulka Degmada Nambar 50 ayaa kulan qaas ah ka yeeshay xaalada guud ee deegaanka iyo sidii dib loogu sii amba qaadi lahaa ka shaqeynta isku xirka dadka deegaanka.

Safarkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Nabadoon Tima guduud laga sii daayey xabsi ku yaala Muqdisho islamarkaana ay soo baxayeen warar sheegaya in Muqdisho uu ka safri karin, uuna yahay xabsi guri.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE