Qab qablayaal Habar gidir Oo Dacwad ka dhan ah Xasan Cumarey U gudbiyey Amisom

Qab qablayaal ka tirsan Mooryaanta Habar gidir ayaa dacwad ka dhan ah Gudoomiye Xasan Cumarey u gudbiyey Taliska Ciidamada amisom ee Marka ku sugan.

Dacwada loo gudbiyey Amisom ayaa lagu sheegay in Ciidamo ay raali ka eheyn Mooryaanta Habar gidir la geliyey Marka.

Waxa ay ku dacwoodeen in Ciidamada Xasan Cumarey uu doonayo in uu kula gor gortamo lacagaha laga qaado ganacstada Magaalada, waxeyna arinkaasi ku tilmaameen mid aan la aqbali karin.

Qab qablayaasha Amisom u gudbiyey dacwada ayaa waxa ka mid ahaa sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah Qaraf iyo Xasan Yare.

Sidoo kale,waxa ay dacwada ku muujiyeen in uu Gudomiye Xasan Cumarey uu la yimid wax ka baxsan wixii ay kula soo heshiiyeen.

Taliska Amisom ayaa u yeeray Gudoomiye Xasan si ay wax uga weydiiyaan dacwada laga soo gudbiyey.

Gudoomiye Xasan ayaa beeniyey dacwada waxaana uu sheegay in istaaf gaaraya ilaa lex wiil -oo weliba baxsad ah-uu geystay Saldhiga uuna doonayo in uu kusoo kordhiyo afar wiil oo kale si ay u gaaraan toban wiil oo istaaf ah.

Amisom ayaa Gudoomiye Xasan ku amartay in wiilasha uu soo diiwan geliyo hadii rag kale oo dheeri ahna lagu arko ciidanka istaafka uu ku sheegay lagula xisaabtami doono.

Sida muuqata Gudoomiye Xasan Cumarey ayaa ah mas’uul aan u madax banaaneyn howlihiisa gaar ka ah waxaana tani ay ka dhigantahay in aan loo ogeyn istaaf isaga uu yeesho.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE