Shacabka Reer Marka Oo Diyaar U Ah Inay Dulmiga Iska Dulqaadaan, Dhaqaalena Ku Yaboohay Ciidamada Deegaanka (Sawiro)

Sida aan la socono, waxaa saldhigyo ay leeyihiin ciidamada deegaanka ee gobolka Shabeelaha hoose muddo dheer ku sugan dhalinyaro reer Marka ah oo guryahooda aan ku laabanin.

Dhalinyaradan oo tababarro kala duwan meelo badan ku soo qaatay ayaa waxaa loo waayey maamul karti leh oo degmada Marka ay yeelato isla markaasina la jaan qaadi karo dhalinyaradan u heelan inay sugaan amniga deegaanadooda.

Maamulka uu hogaaminaayey gudoomiye Maxamed Yariisow ayaa mar lagu wareejiyey dufco ka mid ah ciidamadan balse maalmo kadib ayey dhalinyaradan saldhigyadoodii hore ku soo laabteen kadib cabasho iyo daryeel xumo ay ka soo gudbiyeen maamulka gudoomiye Maxamed Yariisow.

Shacabka magaalada Marka oo waayahaan dambe dhibaato joogto ah oo ay geysanayaan mooryaanta Habargidir la kulmayey ayaa waxay la xiriireen taliyaha ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed Jen. C/laahi Waafow oo ay ka dalbadeen in dhammaan wiilasha reer Marka ee ka tirsan ciidamada deegaanka laga howlgeliyo gudaha magaalada Marka si ay amniga dadkooda u sugaan.

General Waafow ayaa odeyaashii reer Marka ee arintaas dalbaday hordhigay shardi ah inay keenaan lacag aan tiradeeda saxaafadda loo carrabaabin oo ay ciidamada deegaanka uga sifeyn doonaan mooryaanta Habargidir meel walbo oo magaalada Marka ka mid ah.

Qaar ka mid ah Odeyasha dhaqanka iyo Haweenka magaala Marka ayaa shaley ku wareejiyey Gen. Waafow lacag hordhac ah si ciidamada loogu daad gureeyo gudaha magaalada Marka.

Hooyooyinka reer Marka iyo odeyaasha dhaqanka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey maamulka degmada Lambar50 oo isagana goobta xaadir ku ahaa martigelinta ay u sameeyeen tirada ugu badan ee ciidamada deegaanka.

FG: Magaalada waxaa ku sugan ciidamo deegaanka ah oo qoryahooda la joogo guryahooda. Goobaha adeegga bulshada sida suuqa waxaa weli ku sugan mooryaan uu horkacaayo Cali Nuure (Cali Takfiir).

DSCF1052 DSCF1051 DSCF1050 DSCF1039 DSCF1038 DSCF1029 DSCF1031 DSCF1033 DSCF1034 DSCF1036 DSCF1025 DSCF1026 DSCF1027 DSCF1028

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE