Isbahaysiga cusub ee Soomaaliya iyo Xasan sheekh oo kusocda Wadadii uu maray Sheekh Shariif

Waxaa muhiima in Soomaalidu ay fahamto Dulmiga in uu cawaaqib xun kuleeyahay umada oo cida masuuliyada haysana ay kajawaabi doonto xaqdarada umada dulmiga loo gaysanayo sitoosa dunida iyo aakhiraba iyadoo dulmigu uu dhalo burbur dagdag ugu yimaada cida gashay goortay gasho iyo jiilasha dambeba oo xitaa ubadkiisa iyo tafiirtiisaba ay ciqaabta lawadaagaan halka ninka saalaxa ahna uu ilaa tafiirtiisa liibaanaan taasaana muhiima in la ogaado dulmiga dhibkiisa iyo cawaaqib xumadiisa maanta iyo bariba.

Ilaa iyo Dawladii Carta waxaa Soomaaliya kasocday dulmi qaawan oo xaga xukunka dawlada Soomaaliya oo ay isbahaysi qaawan kugaleen shirkii carta madaxweynihii xiligaas lagu doortay Carta ee C/qaasim salaad beeshiisa iyo Beesha Raysalwasaaraha qaadatay xiligaas oo si dadban loo baabiinayey Qawmiyadaha waaweyn ee koonfurta Soomaakiya ugu badan ee 3dexda kale ee aan xilalka sare qabanin ilaa xiligaas.

C/qaasim wuxuu soo magacaabay 3dex Raysalwasaare kuligoodna hal beel bay wada ahaayeen taasoo heshiis lagu galay in laga ilaaliyo beelaha kale kuraasta sare.
Sheekh Shariif wuxuu soo magacaabay sadex Raysalwasaare kuligoodna halbeel bay wada ahaayeen waana markii labaad ee 3dexda qawmiyadood dulmi isbahaysi kudhisan laga galay iyadoo ladhacayo kuraasta sare ee dawlada iyo safaaradaha dhaqaalaha leh ee wadamada qaniga ah ee kaashka bixiya.

Xasan sheekhna wuxuu magacaabay 3dex Raysalwasaare oo isku hal beel ah iyadoo uu sitoosa ugu badheedhay 3dexda Qawmiyadood ee kale waxaa Xasan usii dheer Dagaal qabiil oo qaab dawladeed loo abaabulay laguna barakiciyey 23 magaalo oo wabiga saaran iyo magaalada marka oo goob colaadeed uu kadhigay kana ilaaliyey wax horumar ah iyo taakulada Turkiga oon loo ogolayn deegaanada kabaxsan deegaanka beeshiisu gacanta kuhayso ee banaadir.

Wuxuu si cad ucadaystay inuusan wax damqash ah ulahayn guryihii lagu gubay 15ka tuulo ee jawhar kuhareeraysan ee beesha Shiidle ee jareerweyne ay dagaan oo ay gubeen ciidamo qaab beeleed uhawlgalaya oo hubkii dawlada federaalka wata oo beesha xasan sheekh kadhashay uuna ufasaxay hubkii dawlada iyo tiknikadii dawlada in lagu gubo 2000 oo qoys guryahoodii oo hooyooyin Soomaaliyeed iyo caruurtoodii ku guryo beeleen Hiiraan,Shabeelada/dhexe iyo Shabeelada hoose wax loola hadhayna aanay jirin umadii dhulkaas daganay ee dhulkooda ladamacsanaa in lala wareego ilaahay baa ugargaarayee.

Waxaa hadaba muhiima maxaa qaldan oo waxaasoo dhib ah iyo sadbursiga siyaasadeed ugu wacan  madaxweyneyaashii 3dexda ahaa ee ugu dambeeyey ee  Xasan ku beesha ahaa ee jidkan dulmiga ah ee awooda dalka 2 beelood lagu koobayo iyadoo beelahaasna ay na Soomaali ka ahayn 6% halka 3dexda Qawmiyadood ee kale ay yihiin inkabadan 95% tiro ahaan iyo waxqabad ahaanba xaga wax soosaarka beeraha iyo xoolaha nool ee ladhoofiyo iyo kaluunkaba.

Dulmigii wuxuu marayaa in maanta laqorsheeyo in 2da beelood ee madaxweyne iyo Raysalwasaare kala qaatay ay 2 maamulgoboleed oo ayna xaq ulahayn dageenkana tiro ahaan kamuuqankari hadii cadaaladi jirto ay samaystaa oo ay udiyaargaroobaan 2016ka inay maamuladaas ay iyagu qabiil ahaa udhisteen ee magac uyaalka ah ay soo xulaan baarlamaan kakooban 2badooda beelood iyagoo kudulmaya dadkii dhulka camiray ee 3dexda qawmiyadood ee dalka dega kuna tumanaya xuquuqdii Soomaalinimo ee ay lahaayeen oo dhan una adeegaya dabadhilifnimo cadawga Soomaali halkaas dhigay ee burburinaya qaybinaya kaladiraya hadhoowna raba inay taariikh beena uqoraan umada Soomasliyeed ee dulman waxaana muuqata in dabinkii ay kudhaceen oo ay ceeboobeen xitaa xaqdaradii waa lagu heshiin la’yahay dulmigu inta uu jiro khilaafkuna waa sii fogaanayaa ilaa heer dalka dhamaantiis uu burburo oo cadawgii Soomaalina ay cidla kaqaataan.

Baarlamaanka Soomaaliya ha ogaadeen inaysan Soomali cafin doonin hadayna xaqdaradaas maamulqabiileedyada kudhisan ee lagu baabiinayo umada Soomaaliyeed Xaqeedii aanay wax kaqabanin kuwa maanta daawanaya baarlamaanada beenbeenta ah ee dulmiga kudhisan ha ogaadeen inay kuwaas baarlaano cusub federaalka unoqondoonaan hadayna horjoogsanin imika oo federal baarlamaanka sumcadiisa kudagaalamin inay soo dhiciyaan xaqa dadka Soomaaliyeed ee loo tashaday dulmigu kusocdo.

Xasan sheekh taariikhdiisa waxaa ugali doona wuxuu gaystay iyo waxa uu imika kawado maamul qabiileedyada beenta kudhisan ee dadkii dhulka lahaa lagu dulmayo in tafiirtiisa ay dulmigaas kudambayndoonto oo isagana uuna kuliibani doonin.
Gabagabadii cadaalada ayaa umada oo dhan deeqda qof walbana kudhargayaa dulmiguna umadoo dhan buu dumiyaa sidii horeba noogu soo dhacda 60kii sano ee lasoo dhaafay dulmigii dhacay waxba lagama dheefin ee waa lagu hoobtay wadadii baana wali lahayaa oo lagamaba waantoobinee waa lagusii dayday.

Umada Soomaaliyeed ilaahay ha unoqoto oo xumaanta, xiqdiga, xasadka iyo boobka,tuuugada iyo qabyaalada dulmiga laysugu hiilinayo ha iska daayeen umadi waxay horumar samaysaa markay walaaloowdo oo isxaqdhawrto cadaaladna kudhaqanto ilaahay ha inagaransiiyo Dastuurkiisa uu banii aadamka usoo dajiyey inay kunoolaadaan wanaagana hanawaafujiyo.

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA SOOMAALIYEED
PHILOSOPHER: HAABIIL CABDI HAYBE.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE