Amisom Oo Taliye Cusub Usoo Magacaawday Xerada Jannaale

Taliska amisom gaar ahaan kuwa ka socda Dowlada Uganda ayaa taliye cusub usoo magacaabay Xerada Ciidamada ay ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose.

Taliyaha Cusub ayaa waxa uu bedeli doonaa taliyihii amisom ee jalaane horey u xukumayey oo lagu eedeeyey in uu ku fashilmay weerakii 1-dii bishan lagu qaaday Xeradaas ka dib markii uu hurday.

Col. Peter Emola ayaa noqon doona Taliyaha Ciidamada Uganda qeybta 16-aad ee Janaale waxaana uu bedeli doonaa Col. Peter Emola oo ciidamada hogaaminayey in muda ah.

Ciidmada Uganda ayaa weerar xoogan 1-dii bishan la kulmay weerar xoogan oo ay ku qaadeen dagaalyahaano ka tirsan shabaab, waxaana Dowlada Uganda ay qiratay in dagaalkaas looga dilay 12 askari.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE