Dhageyso Gudoomiye Xasan Cumarey Oo Ka Been-abuuranaya Odayaasha Dhaqanka Ee Beesha Biimaal, Sheegayna In ay Saxiixeen…

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey ayaa maanta akhriyay bayaan uu uga been abuurtay odayaasha dhaqanka ee beesha Biimal.

Gudoomiye Xasan ayaa sheegay in kulan ay yeesheen beelaha Biimaal iyo Habargidir laga soo saaray Go,aano.

Laakiin kulanka uu sheegayo ayaan xaqiijinay in uu yahay mid been abuur ah oo aan haba yaraatee dhicin,odayaasha Biimaal ee uu magacyadooda akhrinayo ayaa dhamaan ku sugan yihiin magaaalada Muqdisho marka laga reebo nabadoon Kuule Abiikar Muudey.

Afarta nabadoon ee kale oo kala ah: nabadoon Xaaji Ibraahim,Nabadoon Fanax, Nabadoon Daa’uud iyo Nabadoon Xasan Cali waxa ay ku sugan yihiin Muqdisho, mana jiro shir ay la yeesheen dhinaca Habargidir, sida aan ka xaqiijinay odayaashaas.

Gudoomiyaha ayaa waxa ka muuqataa khal-khal kadib markii ay dadka degmada Marka qaadaceen maamulkiisa, waxa uuna doonayaa in ajandayaal isaga u qarsoon uu ku fuliyo magaca odayaasha beesha Biimaal oo uu markii hore diiday taladooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE