Dhegeyso Afahayeenka Ciidamada Deegaanka “Anaga Shabaab Ma nihin Goobaale wuxuu rabaa Mar marsiyo Uu Nagu Soo Weeraro laakiin haloo sheego Caano Kama Soo horeeyaa”

Afahayeenka Ciidamada deegaanka Col. Maxamed Ciise oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa si kulul u beeniyey dacwad Kaaba Mooryaan Goobaale uu ka gudbiyey Ciidamada Deegaanka ee gacanta ku haaya Muuri ilaa Gandaawi oo ka tirsan Shabeelada hoose.

Afahayeenka oo ka jawaabayey eedeynta Goobaale iyo mar marsiyada uu mar kale ku doonayo in uu ku dagaal galo ayaa waxa uu sheegay in shabaab lagu ogyahay deegaanada ay gacanta ku haayso hase ahaatee aan loo jeedin in halkaas weerar lagu qaado.

Waxa intaasi uu raaciyey in Goobaale uu ogyahay cida gacanta ku haaysa Wadada dheer ee laamiga dhowr jeerna uu ku fashilmay weeraro uu kusoo qaaday haatanna ay diyaar u yihiin weerar kasta oo kaga yimaada Xulufada Kaaba Mooryaan Goobaale.

Col. Maxamed Deeq ayaa ugu dambeyn Dowlada dhexe iyo Maamulka Koonfur galbeed weydiiyey sababta markasta loo soo magacaabayo kaaba mooryaano hal beel ka tirsan oo loo waayey dad kale oo deegaanadan ku abtirsadad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE