Dhegeyso Nabadoon Cabdow Axmed Cali “War Xasan Cumarey isagaaba la keeni doonaaye Soohinteenee, yaan laga bad badin arintiisa”

Nabadoon Cabdow Cabdow Axmed Cali oo ka mid ah waxgaradaka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in Gudomiye Xasan Cumarey aanu waxba ku haaynin Magaalada Marka oo uu joogo meel cidla ah oo ay waxba uga hirgeli doonin.

“Gamuun baala la’aan ma shoobaa, Xasan Baalihiisa anaga waaye,hadii aan banaanka istaagno waxba u ma socon doono, Mooryaanta Habar gidirna meel ma geyso” ayuu yiri Nabadoonka.

“Xasan Magaciiisaa meesha yaala ee maamul kuma haayo laakin isagaa la keeni doonaa meesha hada aan joogaa,intaas inta laga gaaraayo aan ku sinno” ayuu hadalkisaa sii raaciyey Nabadonn Cabdow.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE