Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama Oo Wiil Sudan U Dhashay Ku Casuumay Aqalka Cad Kadib Markii…(Sawir)

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama ayaa qasriga Aqalka Cad ku martiqaaday wiil yar oo lagu magacaabo Axmed Maxamed kaasi oo ciidamada booliska dalkaasi ay xireen kadib markii wiilkaasi uu saacad uu gacantiisa ku sameeyey geeyey iskuulkii uu dhiganayay iyadoo loo qaatay in uu bambo sameeyey.

Qoraal uu bartiisa arrimaha bulshada soo dhigey ayaa Barack Obama waxa uu dhiirogaliyey wiilkaasi sancada uu sameeyey, una casuumay aqalka cad in uu keeno saacadda.

Shirkadda barnaamijyada Kombiyuutarka sameeyo ee waaweyn sida Facebook iyo Google ayaa shaqo u balanqaaday wiilkan yar, iyaga oo ku dhiirogaliyey wax-soosaarkiisa.

AxmedMaxamed

Maamulka iyo Macalimiinta iskuulkii uu wiilkani dhiganayay ayaa ciidamada Booliiska taleefoon u direy kadib markii ay ku eedeeyeen wiilka in uu bombaano keeney iskuulka, balse wiilka waxa uu meesha keeney ay ahaayeen saacad uu gacantiisa ku sameeyey, si uu u tuso macalimiintiisa.

Axmed Maxamed waa 14 sano jir, waxaa dhalay siyaasi asal ahaan u dhashay dalka Sudan balse haysto dhalashada Mareykanka isla markaasina dhowr jeer hadda ka horey u tartamay madaxtinimada dalkaasi, wuxuuna arrinkiisa soo nooleeyey dooda islaam naceybka Maraykanka oo in badan soo jirtay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE