Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa kusoo waramaya in halkaasi uu ka dhacay qarax wexlo geystay oo lala eegtay saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso waxaana ay la kacday saraakiisha oo ku sugnaa goob lagu qaxweeyo oo ka agdhow amadaxtooyada Maamulka.

Inta la ogyahay dhimashada ayaa lagu sheegay in ka badan seddax ruux oo ka tirsan Maamulka, waxaana lasoo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen saraakiil kale oo gaaraya ilaa 7 ruux.

Magaalada Kismaayo ayaa inta badan waxa ka dhaca weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa fool  ka fool ah oo lagu qaado goobaha ay ku suganyihiin ciidamada Maamulka Jubbaland iyo ciidamada amisom.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE