War cusub oo ka soo kordhay degmada Jannaale ee gobolka Sh.Hoose

Xarakada Al-shabaab ayaa maanta xilligii galabtii la wareegay gacan-kuheynta degmada Jannaale.

La wareegista Al-shabaab ee Jannaale ayaa yimid kadib markii ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Uganda ay isaga baxeen magaalada, isla markaana faarujiyeen fariisimada ay ku lahaayeen magaalada.

Ka baxista Ciidamada Amisom ee Jannaale ayaa ku soo aaday iyadoo taliye cusub loo magacaabay ciidamada Uganda ee ku sugan Jannaale.

Taliyaha la bedelay ee ciidamada Amisom ee Jannaale ayaa lagu eedeeyay in uu ku fashilmay wx ka qabashada weerarkii ay 1-da bishan Alshabaab ku qaadeen xearada Amisom ee Jannaale, halkaas oo ay ciidamo badan ku dileen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE