Xog: Xasan Cumarey wada qorshayaal halis ah oo ay ka mid tahay weerar uu ku qaado isagoo adeegsanaya maleeshiyada….

Tan iyo markii gudoomiyaha degmada Marka uu soo gaaray gobolka ma jirto odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Biimaal oo uu la kulmay, kulmid la’aantaas-na waxa ay ku timid in waxgaradka gobolka oo horay u cadeeyay in ay ka soo horjeedaan, lana shaqeyneyn maaamul ay gardaadinayaan kaaba-mooriyaanta dhibaatada culus u geystay dadka gobolka, gudoomiye Xasan Cumarey-na ma sameyn wax dadaal ah oo uu ku kasbanayo dadkiisa.

Markii uu yimid magaalada waxa ugu badan ee ku cel celinayay ayaa ahayd in uu gudoomiye u yahay Soomaliweyn ee uusan Beel gudoomiye u ahayn, maamulkiisana uu xoog ku socodsiinayo, cidii ka hortimaadana uu soo xir xirayo.Ma ahayn hadalkaas mid uu hoos ka sheegay oo kaliya ee waxa uu si cad uga sheegay warbaahinta.

Talaabadii xigtay ayaa ahayd in gudoomiye Xasan Cumarey uu si cad ugu sheegay qaar ka mid ah dad uu la hadlay in caqabada ugu weyn ee hortaala ay tahay ciidamada deegaanka ee ku sugan laga soo bilaabo Muuri Ilaa Tuulada Siinay, kuwaas oo uu ku sheegay in cidii asiga soo raacda uu kaarar aqoonsi ah u sameyn doono,cidii diidana uu u aqoonsan doono burcad oo uu weerari doono, isagoo kaashanaya ciidamada dowladda(waa sida uu isaga u yaqaanee) iyo ciidamada Amisom.

Maalmo yar kadib markii uu hadalkaas sheegay ayaa waxa uu bilaabay dadaalo uu ku doonayo in uu kala qeybiyo ciidamada deegaanka ee ku sugan gudaha Marka, isagoo ka helay kaliya lix dhalinyaro oo asiga soo raacday.

Xog aan ka helnay ilo ku dhow dhow Gudoomiye Xasan Cumarey ayaa noo sheegay in hadda uu ka quustay in uu kala qeybiyo ciidamada deegaanka, uuna doonayo in uu fuliyo hanjabaadiisi ahayd in cidii aan soo raacin asiga ee ka tirsan ciidamada deegaanka uu weerarayo, waxaana ilaha xogta aan ka helnay ay sheegayaan in uu qorsheynayo in isaga oo ay la socdaan maleeshiyada dowladda uu weeraro deegaanada ay ciidamada deegaanka ka fadhiyaan gobolka, gaar ahan wadada xiririsa Marka ilaa No 50, isagoo ku marmarsiyoonaya in baraha ay joogaan ay yihiin isbaarooyin, taas oo ah arin xaqiiqda ka fog.

Xasan Cumarey ayaa hadda doonaya in uu fuliyo qorshe dhagareedyo ay horay ugu fashimeen kaaba mooriyaanta Habargidir ee ahayd in ay wiiqaan cududa ciidamada deegaanka,kadibna ay dadka gobolka sidey doonaan ka yeelaan.

Gadoomiye Xasan Cumarey waa uu ogyahay in howsha ciidamada Amisom aysan ku jirin in soomalida dhexdeeda ay u kala saftaan, mandate-koodana aysan ku jirin, waana ogyahay in ciidamada deegaanka iyo taliyaashooda ay yihiin cid ay wax ka go’aan, oo ay yihiin jiho jirta oo aysan weerari karin Amisom, Goobale iyo rag la mid ahna ay horay ugu fashilmeen in ay Alshabaab ku shaabadeeyaan laakiin waxa uu isku haleynayo waa maleeshiyada Dowladda ee inta ugu badan ka soo jeedaan Habargidir.

Gudoomiye Xasan Cumarey sidoo kale waxa uu ciyaarayaa kaarka Jufo, isagoo doonaya in uu kala qeybiyo beesha uu ka dhashay, una wiiqo awooda ciidamada deegaanka, kadib marka uu jufo jufo isaga horkeeno, si uu isaga ugu hirgalo qorshayaasha ay isla soo degeen Cabdul iyo Cali Nuure laakiin waxgaradka gobolka waxa ay noo xaqiijiyeen in riyadaas horay u socon weyday, rag isaga ka awood badana ay ku fashilmeen.

Xasan Cumarey waxa uu cadeeyay in uu ku dhinac yahay Kaaba-mooriyaanta Habargidir, waxa ugu muhiimsan ee loo soo dirsadayna waa in qorshe-dhagareedyadii ay iyaga ku fashilmeen isaga uu hirgeliyo, dagaalka lagula jiray Kaaba-mooriyaantaasna waxa uu u soo raray gudaha dadka Sh.Hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE