Wadahadal Ay Horseed Ka tahay Hay’ad Beeleeda Tubta Nabada Oo Mar kale Muqdisho Ka Furmay

War aan ka helnay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shir ay horboodeyso hay’ad beeleeda Tubta Nabada uu mar kale ka furmaya Muqdisho.

Shirka ayaa u dhaxeeya Beelaha Biimaal iyo Habar gidir oo ka wada hadlaya colaada baahday islamarkaana xargaha goostay oo ka jirta gobolka Shabeelada hoose.

Sida aan ku helnay xogta shirkan ayaa socday mudo seddax maalmood ah waxaana mar kale beelaha lagula kulmay si gooni gooni ah oo lagu ogaanayey beel kasta go’aankeeda.

Maalintii seddaxaad ayaa leysugu keenay labada beelood oo la dhex dhigay wax ka dhaxeeya iyo sida lagu joojin karo colaada loo tabarta waayey joojinteeda.

Shirka oo shalay si kumeel gaar ah loo hakiyey ayaa la sheegay in leysku soo laaban doono islamarkaana lagu sii amba qaadayo wadahadalka.

Beesha Habar gidir ayaa shirkii maalmahan soo xaadirisay wajiyo cusub oo u matalaya wadahadalka ay la galayaan Beesha Biimaal.

Wajiyada cusub ayaa lagu tilmaamay kuwo loogu talagalay maaweelinta shirarka iyo shirqoolada cusub.

Odayaasha Shirka u matalayey Beesha Biimaal ayaa laga codsaday in ay dhigaan gogol ay ku wada xoojoonayaan beelaha isku haaya Shabeelaha hoose, waxaana Odayaasha Biimaal gudoon iyo howraarsan ay yiraahdeen soo jeedinta.

Weli ma cada goobta gogosha la dhigi dhigi doono iyo goorta lagu balamay, hase ahaatee war hoose ayaa sheegaya in lagu balamay Muqdisho.

Sida aan ku heleyno xogta shirkan ayaa waxa codsaday in la qabto Gudoomiye Xasan Cumarey oo ku jahwareersan Magaalada Marka waxaana u socon waayey tan iyo markii uu Marka soo gaaray shirqoole dalaal uu ka ahaa.

Codsi uu u diray hay’ada Tubta Nabada ayuu ku weydiistay in dhex dhexaadin ay ka sameeyaan beelaha Biimaal iyo habar gidir si maamulkiisa uu u xidideysto shaqana uu u qabto.

Maamulka Xasan Cumarey ayaa dhex muquuranaya fashil maamul kii ugu xumaa ka dib markii uu la kulmay caqabado aanu ka gudbi Karin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE