Askar Ka Tirsan Maamulka Jubbaland Oo Maanta Dil Toogasho ah Loogu Fuliyey Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ayaa galabta waxa ka dhacay dil toogasho lagu fuliyey askar ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana dilkaasi fuliyey isla askarta Maamulka.

Askarta la toogtay ayaa gaareysa ilaa todobo askari waxaana lagu soo eedeeyey in ay ku lug lahaayeen fududeynta qarax miino oo shalay ka dhacay xarunta shirkole Officiale ee Magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyoodey ilaa seddax sarkaal waxaana ku dhaawacantay tiro kale oo intaasi ka badan, xerada ayaa la sheegya in ay xilgaasi eheyd meel mashquul badan oo uu ka socotay bixinta mushaaraadka ciidanka.

Saarkiisha Maamulka Jubbaland ayaa isku maandhaafay xukunta askarta, waxaana ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Madoobe uu go’aamiyey in la toogto.

Salaada casir ka dib ee Maanta ayaa xukunadana dilka ah waxa ay ka dhaceen xeebta Kismaayo.

Sidoo kale Maxkamad lasoo taagay seddax askari oo kale oo ka tirsanaa maamulka Jubbaland ayaa lagu xukumay sedadax sano oo xarig ah ka dib markii Maxkamada xukuntay ay ku heshay inay ka dambeeyeen dil shalay galab Kismaayo loogu geystay laba qof oo yarid ahaa, labada qof ee la dilay ayaa mid ka mid ah la sheegay inuu qurba joog dhawaan yimid ahaa Magaalada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE