Dhegeyso Mid ka mid ah aqoonyahaanada Beesha Biimaal “Xasan Cumarey Maamulkiisa Waa fashilmay”

Aqoonyahaan Maxamed Cumar Xasan oo ka mid ah aqoonyahaanada Beesha Biimaal ee qurbaha ayaa ka hadlay hadal dhawaan warbaahinta uu siiyey gudoomiye Xasan Cumarey oo ay ka caroodeen Bulshada Beesha Biimaal.

Aqoonyahaanka ayaa sheegay in Xasan uu yahay shakhsi isaga isku moodaya inuu dadka ugu caqli badanyahay islamarkaana aan ku xisaabtamin in ay jiraan dad isaga ka aqoon badan hase ahaatee xilka uu ku helay nasiibkiisa.

Waxa uu intaasi raaciyey in Xasan uu dhawaan warbaahinta ka beeniyey Nin deegaanka oo lagu dilay Shalambood taasna ay tahay waxyaabaha soo ifbixinaya fashilka Gudoomiye Xasan Cumarey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay in uu ku tusaale qaato Mas’uuliyiintii hore ee xilksaai soo qabtay iuyo halka ay ku dambeeyeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE