Diyaar-garoowga Doorashoooyinka 2016-ka Iyo Baaqa Kuwajahan Dhamaan Shacabka Geeska Afrika Ee Qawmiyada Inay Si Buuxda Uga Qaybqaataan Soo Dhicinta Xaqa Shacabka Dulman..

Somaliya waxay maraysaa isgoys khatara oo ubaahan Siyaasiyiin rugcadaaya oo khibrad iyo daacadnimo iskudarsaday una adeega umada dulman ee dunidu dayacday xaqoodiina gacanta loo galiyey kuwa duminaya jiritaankoodana aan ogolayn una baahan in laga soo rido kuwaasoo caadaystay inay adeegsadaan dabadhilifyo aan damiir Soomaalinimo lahayn oo xitaa garan la’ dawladnimo bilaa ciidan iyo bilaa lacag inaysan jirin ujeedadoonu tahay inay dulmaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan aan xitaa beesha caalamka kadhaadhicin karin waxa soomaaliya ubaahantahay iyaga laftoodana ubaahan in umada laga horkaxeeyo iyadoo daljirin,dadkii gaajo ule’deen Qasriyo waaweyn ka iiibsanaya dalal shisheeye umadana kudul tamashlaynaya hadana mashruuc jinsiyada Soomaaliga oo horleh soo qaatay raba inay jinsiyada Soomaalinimo ka gadaan kuwa dalka burburiyey markay gadeen baddii iyo barrigiiba imikana dadkii Soomaaliyeed jinsiyadoodii khaaska u ahayd raba inay bislaystaan oo gadaan kuwaasaa umada horboodaya oo raba inay 2016ka umada wakhtiga kalumiyaan sanado kale oo silic iyo saxariir galiyaan.
Waxaa layaableh wadanka dunsanaa 25ka sanadood ee shacabkiisii qaxa kujiraan ee umadii kunoolayd wada dhibaataysantahay in xukuumada Xasan sheekh ay wasiiro damiir laawayaala kusoo kharashgarayso kumaankun oo doolar inay safar kusoo maraan yurub iyo Amerika si ay mashruuca Qarsoon ee  jinsiyada Soomaalinimo lagu gadayo kadhaadhiciyaan Qurbajoogta Soomaaliyeed ee dhibka iyo rafaadku kuhaysto dhulalka ay uqaxeen ee Xaqoodii kala’ dalalkay uqaxeen kuna baaba’san caruurahoodiina xabsiyada kuwada dhibanyihiin intii ay kala hadli lahaayeen dhibka haysta Qoysaska Soomaaliyeed ee Qurbaha kusilicsan inay lahortageen Dalkoodii ay kasoo qaxeen baanu jinsiyadiinii siinaynaa ciidamada Amisom iyo kuwa soo adeegsada ee kudaba gabanaya Afrikaanka dalka mushaharada badan lagu siiyo inay ciidamada nabada ilaaliyaan si looga ilaaliyo Soomaaliya inay ciidamo qaran yeelato waana wax lala yaabo damiirlaawenimada Xasan sheekh iyo wasiirada uu usoo diray inay kadhaadhiciyaan
Qurba joogta Soomaaliyeed mashruucii ugu xumaa ee ay qaateen ee jinsiyada Soomaalinimo in laga gado shisheeyaha mu’aamaradaha kawada geeska afrika ee dulmay shacabka Soomaaliyeed ee silicsan markhaatina ka ah dulmiga kusocda dawladnimadoodii oo lahortaaganyahay loona ddidanyahay inay sisax ah dalka Soomaaliya dawladnimo buuxda uyeelato.

BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA:
Xisbiga shacabka geeska afrika ee Soomaaliya wuxuu ugu baaqayaa BFS inay matalaan Shacabka Soomaaliyeed masuuliyadna ay kasaarantahay ilaalinta xaqooda jinsiyadeed iyo dalka Soomaaliya bad iyo bariba inay ka ilaaliyaan bahalaha kudulwareegaya ee raba inay gadaan iyo kuwa xadaya ee sheeganay NGO yada ee dilaaliinta kasoo duulay meelaha fogfog.
BFS waa inay ogaadaan hadii maamul qabiileedyada maanta lawadwado ee kudhisan sadbursiga ee Xaqdarada kuhaya dadkii faraha badnaa ee deegaanadoodii magacyada beenbeenta ah loo samaystay haday difaaciwaayaan Shacabka kunool goboladaas laboibayo shacabkooda inaysan 2016ka baarlamaan jira ahaan doonin oo tuugada maamulada beenbeenta ah samaysanaysa ay baarlamaanadooda beenbeentaha noqon doonaan kuwa badala BFS taasoo musiibo qaran kunoqon doonta shacabka dulman ee lagaday jinsiyadoodii oo ahayd wixii kaliya ee uhadhasnaa wallaahi inaan waligiin laydin cafindoonin hadaydaan Xilibaanadoow ilaalin Shacabka xaqooda.

XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA WUXUU UGU BAAQAYAA DHAMAAN SHACABKA GEESKA AFRIKA EE KUKALA NOOL DALALKA (ETHIOPIA,DJIBUTI,SOMALILAND,KENYA) EE KU AFTIRSADA QAWMIYADA DIR IYO 9KA SAMAALE INAY SI BUUXDA  UTAAGEERAAN SIDII LOO BADBAADIN LAHAA JIRITAAKA GUUD EE UMADA SOOMAALIYEED LOOGANA ILAALIN LAHAA QAWLAYSATADA IYO BUDHCADA BOOBKA IYO DILKA KUHAYSA SHACABKA DULMAN EE MAAMUL QABIILEEDYADA ISKUMAGACAWDAY EE DALKA GADAY RABANA INAY AFDUUBAAN SIYAASADA SOOMAALIDA DULMAN EE KUNOOL SOOMAALIYA EE DHULKOODII LABOOBAYO.

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA SOOMAALIDA DULMAN EE GEESKA AFRIKA
PHILOSOPHER: Haabiil Cabdi Haybe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE