Faafaahin: Mooryaanta Habargidir Ee Uu Hogaaminaayo Dagaal-ooge Xasan Jaamici oo Dil U geystay Qof Reer Buulo Mareer Ah

Sida ay soo sheegayaan dad ku suga Buulo mareer waxaa deegaankaasi lagu dilay mid ka mid ah Askarta Madaniga ee  deegaanka oo dhawaan laga abaabulay halkaasi.

Askarigan ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa Suuqa Buulo Mareer,waxaana dilka geystay Mooryaanta Habargidir ee  ka tirsan kooxda Xasan Jaamici oo dagaal kula jirto ciidadamada madaniga ee ay sameysteen shacabka.

Askariga ayaa qeybaha sare ee jirkiisa looga dhuftay ilaa todobo xabo ka dibna waxaa laga qaatay qori uu watay.

Ciidamada madaniga ayaa la aas–aasay ka dib markii deegaankaas ay kusoo bateen dhibaatooyinka ay geysanayaan mooryaanta Xasan jaamici oo maalmo ka hor ku dilay halkaasi gudoomiye kuxigeenkii Buulo Mareer.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE