Xarakada Alshabaab Oo Dagaal Culus Kula Wareegay Deegaanka Yaaq-Bariweyne Ee Gobolka Sh/hoose

Xarakada Al Shabaab ayaa saakey aroornimadii hore dagaal culus ku qaaday Deegaanka Yaaqbari-weyne Ee Gobolka Shabellaha Hoose, taaso ugu dambeyntii ay kula wareegeen gacan ku haynta Yaaq-bariweyne..

Deegaanka Yaaq-bariweyne waxa uu ka tirsan yahay Degmada Daafeet ee gobolka Shabeelaha hoose, waxuu deegaankaan aad ugu dhow yahay Garoonka Balli-doogle.

Yaaq-bariweyne waxaa ku sugnaa ciidamada loo yaqaano Xoogga Dalka oo halkaasi Isbaaro lacag badan lagu qaado ay u taalay.

Xarakada Al Shabaab ayaa la xaqiijiyey inay dagaalka Yaaq-bariweyne  kaga qabsadeen ilaa 3 ka mid ah gaadidka dagaalka oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Isbaarada halkaasi . Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in tiro kale oo gaadiidka dagaalka ah halkaasi looga gubay ciidamadii ka cararay Yaaqbariweyne.

Dowladda Somalia ayaa ciidamo ahaan u qoroto maleeshiyo beeleed dhammaantooda  hayb ahaan aad ugu dhow madaxweynaha taasi oo niyo jab xooggan ku riday shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada AMISOM oo u baahnaa ciidamo la shaqeeyo isla markaasina kalsooni ka haysto dadka deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE