Ciidamada Maamulka Jubbaland Oo Kismaayo Ka Musaafuriyey Xaasaska ay qabeen Shabaab

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qab qabteen xaasaska ay Kismaayo uga tageen Dagaalyahaanada Shabaab ee ku maqan degmooyin kale iyo Duurka islamarkaan musaafuriyey.

Haweenka la musaafuriyey ayaa gaaraya ilaa 70, haween oo ku noolaa Magaalada Kismaayo,waxaana saake loo masaafuriyey Deegaanka Buulo gaduud, waxaana la sheegay in loo sii gudbin doono goobaha ay maamulaan dagaalyahaanada shabaab.

Howlgalka ayaa ka dambeeyey ka dib weeraro joogta ah oo ka dhaca Magaalada Kismaayo oo mas’uuliyadooda ay sheegtaan Shabaab ayaa Saraakiisha amaanka ee Maamulka Axmed Madoobe waxa galay tuhun ku aadan in Haweenka Kismaayo u jooga shabab ay yihiin kuwa lagu soo xirto marka ay dhacayaan weeraro shabaabku ay geysanayaan.

Magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkan waxaa kusoo badanaya weerarada qaraxyada ah ee ay geysanayaan shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE