Dagaalo Ka Dhacay Gobolka Gedo Iyo Shabaab Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaaladaas

Dagaalyahaanada Shabaab ayaa maanta weeraro dhaba gal ah ku qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa Gobolka Gedo.

Ciidamada Kenyaatiga oo marayey duleedyada Baardheere iyo Ceelcade oo ka tirsan Gedo waxaana weeraradaas Shabaab ay ku sheegteen in khasaare ay ku gaarsiiyeen Ciidamada Kenya.

Weerarka hore ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelcadde iyo Dhamase oo ay marayeen Ciidamada Kenya.

Weerarka labaad ayaa Shabaab waxa ay ka fuliyeen deegaanada u dhaxeeya Tarako iyo Faxfaxdhuun oo ka tirsan isla Gobolka Gedo.

Shabaab ayaa sheegtay in khasaare xoogan ay ku gaarsiiyeen ciidamada Kenyaatiga ee labada weerar ee dhaba gal ay ku qaadeen, waxaana intaasi ay ku dareen in 11 askari ay ku dileen labada weerar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE