Deg Deg: Maleeshiyo Tira Badan Oo Ah Maleeshiyo Beeleedka Dowladda Oo Ku Hubeysan Gawaarida Dagaalka Oo Goor Dhow Galay Marka Iyo Gudoomiye Xasan Cumarey….

Warar hadda naga soo gaaray magaalada Marka ayaa sheegaya in meleeshiyo aad u tira badan oo ka mid ah maleeshiyo beeleedka dowladda ay goor dhoweyd gudaha u galeen magaalada Markacadey iyagoo ka soo galay dhinaca Deegaanka Ceel-jaalle.

Maleeshiyadan ayaan ilaa hadda tiradooda saxda ah aan helin laakiin goob-jooge ku sugan magaalada oo qadka telefanka aan kula hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in uu indhihiisa ku arkay 3 gawaari oo nooca Cabdi Bilayaasha ay qoryaha culus ku rakiban yihiin ah, isla markaana ay saaran yihiin maleeshiyada dowladda iyo gaari ah nooca ciidamada lagu daabulo ee PG loo yaqaano ay magaalada ka soo galeen dhinaca Ceel-jaalle.

Maleeshiyadan ayaan la ogeyn sababta ay magaalada u galeen laakiin ilo ku sugan magaalada ayaa noo sheegay in maleeshiyadan ay yihiin kuwa gudoomiyaha degmada Marka uu horay u sheegay in isbaarooyinka uu ku qaadayo, kuna sugayo ammaanka degmada Marka walow aanan si cad markanews u xaqiijin karin ujeedada ciidamada wata afarta gawaari ee caawa ka soo galay Marka dhinaca Deegaanka Ceel Jaalle.

Wixii war ah ee ku soo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE