Dhageyso Nabadoon Fanax Oo Digniin Culus Ujeediyay Gudoomiye Xasan Cumarey, Sheegayna In Uu Ka Been-abuurtay Magacooda

Nabadoon Maxamed Cumar Fanax oo ka mid ah nabadoonada Gobolka Sh.Hoose ayaa beeniyay hadal dhowaan ka soo yeeray gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey, oo ahaa in Odayaal ka soo kala jeeda labada beeleed ee Biimaal iyo Habargidir oo uu Nabadoon Fanax ku Jiro ay heshiis gaareen, soona soo saareen Bayaan.

Nabadoon Fanax ayaa sheegay in weli colaad daran ay ka jirto gobolka Sh.Hoose, labadii beelood ee kundagaalamayna ay weli is horfadhiyaan.

Nabadoonka ayaa dhinaca kale uga digay gudoomiye Xasan Cumar in uu khilaafaad iyo dagaal cusub uu gobolka ka abuuro.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE