Warculus: Dhageyso Saraakiisha Ciidamada Deegaanka Oo Si Cad Ugu Dhawaaqay In Aysan Aqoonsaneyn Maamulka Xasan Cumarey

Col. Bashiir Lugey oo ka mid ah saarkiisha Ciidanka Deegaanka ahna taliayah aaga Ceeljaale oo la hadlay Markanews ayaa waxa uu ka hadlay fashilka Maamulka Xasan Cumarey iyo siyaasada guracan ee uu lasoo shir tagay.

Ugu horeyn Col. Basiir ayaa asheegay in Xasan uu yahay qof aan xor aheyn oo ay istaaf u yihiin Mooryaan guryo ay dad leeyihiin saaraan islamarkaana shakhsiyaadiisa aanu ka hadli karin arimaha isaga khuseeya.

“Xasan Cumarey waa nin ay istaaf u yihiin Mooryaan guryo dad ay leeyihiin saaran ninka noocaas ah wax kama sugi karno, mana aha shakhsi ku hadli kara rabitaankiisa, sababtoo ah waxa magan uu u yahay mooryaan umada dhiigooda baneysaatay” ayuu yiri Col. Bashiir.

Waxaa kale uu intaasi raaciyey in Maamul ay ku ogyihiin Marka ayna aqoonsaneyn Xasan iyo Mooryaanta wehelka uu ka dhigtay,.

“Waxaan aqoonsannahay Maamulkii Yariisow anagu weli ma arkin dowlad ama maamul inta dadka deegaanka la shiray oo xil wareejin sameysa, marka waxaan taasi u aragnaa in Xasan Cumarey uu marin habaabsanyahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Bashiir.

Waxa uu soo hadal qaaday arimaha qaadista isbaarooyinka oo dhawaan uu ku hadaaqay Gudoomiye Xasan wuxuuna si cad u sheegay in aanu jirin maamul isbaaro qaadi kara, iyagana aysan aheyn kuwa isbaarada laga qaadayo.

“anaga kontaroolo aan Mooryaanta isaga baarno ayaa inoo yaala, mana nihin kuwa laga qaadayo isbaarooyinka uu sheegayo” ayaa hadalkiisa uu kusii daray.

Ugu dambeyn waxa Col.Bashiir uu ka hadlay qorshaha Kaaba Mooryaan Goobaale oo mar kale dagaalo ka abaabulaya Shabeelada Hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE