Dhegeyso Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Degmada Qoryooley Oo Isku Dhiibay Shabaab

Madaxii Arimaha Bulshada iyo Sportiga ee Degmada Qoryoole  Ee Gobolka shabeelada hoose ayaa isku dhiibay Xarakada Shabaab ka dib markii uu ka goostay Maamulkii halkaasi ka talin jiray.

Mas’uulkan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Cismaan (Maxamed Colow) ayaa sheegay in sababo kala duwan ay ku dhaliyeen inuu isku dhiibo dagaalyahaanada Shabaab.

Maxamed Colow ayaa sheegay in seddax habeen ka hor uu isku dhiibay shabaab, waxa uu ka sheekeeyey dhibaatooyin uu sheegay in uu goob joog u ahaa oo ay geysanayaan sida warka u dhigay Ciidamada amisom iyo kuwa dowlada.

Dhgeyso

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE