Dhegeyso Shabaab Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaal Maanta Ka Dhacay Gobolka….

Taliska Dagaalyahaanada Shabaab ayaa ka warbixiyey dagaalo ay la galeen Ciidamada Kenya oo maanta ka dhacay Gobolka Gedo.

Sheekh C/Casiis Abuu Muscab oo ah afahayeenka howlgalada Shabaab oo wareysi siinayey Idaacad ku hadasha afka Shabaab ayaa sheegay in khasaare xoogan ay ku gaarsiiyeen Ciidamada Amisom ee ka socda Dalka Kenya laba dhaba gal.

Weli ma jiro war kasoo baxay Taliska amisom oo ku aadan beninta ama xaqiijinta khasaaraha ay sheegeen Shabaab in ay ku gaarsiiyeen dagaalkii Maanta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE