Gudoomiye Xasan Cumar wuxuu ku dhiiraday wax aysan ku dhiiran rag isaga ka madiidin sanaa!!!

17-kii bishan oo ku beegan khamiistii la soo dhaafay ayaa gudoomiye Xasan Cumar oo ay xaaladda ku cakiran tahay ayaa markii uu wax badan rog rogay xaaladda uu ku sugan yahay waxa uu ka fursan waayay in jeebka kala soo baxo mid ka mid ah Bayaano ay bilooyin ka hor qoreen wasiirada K.Galbeed ee ku sugnaa magaalada Marka, kadibna uu ka dhigo mid markaas la soo saaray.

Bayaanka uu akhriyay gudoomiye Xasan Cumar waxa uu ahaa mid ay qoreen Wasiiradii fashilmay ee K.Galbeed ee kala ahaa Wasiir Fiqiiyo wasiir Macalin Barre,kuwaas oo warqad ku soo qoray in Odayasha Biimaal iyo kuwa beesha kale ay heshiiyeen, bayaankaas oo aysan raali ka ahayn dadka degmada Marka.

Inkastoo dadka G.Sh.Hoose aysan raali ka ahayn bayaankaas, haddana waxaaba ka horyimid hirgelintiisa dhinaca kaabamooriyaanta dhibaatada ka wada gobolka, wasiiradii wadayna waxa ay si dhuumaaleysi ah uga baxeen magaalada Marka,waxayna noqdeen mid gaari caasi ah ah oo nooca Jaadka ah ku dhuunta iyo mid isaga oo deymo farqaha loogu dhegan yahay isaga huleela magaalada.

Ficilada Gudoomiyaha degmada Marka waxay u egyihiin kuwii wasiiradii fashilmay ee Fiqi iyo Macalin Barre, laakiin su’aasha waxa ay tahay dhammaadkiisa ma waxa uu noqon doonaa sidooda oo kale mise ka sii xun, ma habeen ayuu gudoomiye Xasan Cumar Gaari Caasi ah ka raaci doonaa Marka mise!!!

In Gudoomiye Xasan Cumar uu jeebka kala soo baxo Bayaan ay horay u qoreen wasiirada K.Galbeed, uuna ka been-abuurto Odayaasha dhaqanka waxa ay ku tusineysaa in isaga iyo wasiiradii fashilmay ay hal ceel ka soo wada cabeen, waxayna ku tusineysaa heerka quuska ah ee uu taagan yahay gudoomiye Xasan Cumar iyo in ay ka soo xir xirmeen dhamaan wadooyinka uu maamulkiisa ku socodsiin lahaa.

Arinta kale ee ku tusineysa in wasiirada K.Galbeed ee fashimay iyo Gudoomiye Xasan Cumar hal meel laga hago waxaa ka mid ah in gudoomiyaha si la mid ah wasiiradaas uu si joogta ah ula xiriiro warbaahin beeleedyada Muqdisho ka dhisan ee ah garabka afka ka hubeysan ee beelaha dhulboobka ka wada gobolka, kuwaas oo si joogta ah uu ula xiriiro Gudoomiye Xasan Cumar, isagoo is-moodsiinaya in idaacadahaas ay ka gadi karaan asiga shacabka degmada Marka.

Wasiir Faqi xilayadii uu ku sugnaa gobolka si joogta ah ayuu ula xiriiri jiray idaacad beeleedyada ka dhisan Muqdisho, wuxuuna isku dayi jiray in dhegaha kuwa maal-geliyay safarkiisa uu ku dhibciyo in danahooda uu ka shaqeynayo,waana mida uu hadda wado Xasan Cumarey.

Laakiin seddex farqi ayaa u dhaxeeya Wasiiradii Fashilmay ee K.Galbeed iyo Gudoomiye Xasan Cumar:

Farqiga kowaad waxa uu yahay in wasiirda K.Galbeed aysan marna ku dhiiran in ay si cad u inkiraan dadkooda,gaar ahaan inta ka soo horjeeda, waxay isku dayayeen in ay la kulmaan, una afmacaaneeyaan marka ay la hadlayaan, kadibna ay danahooda ka wataan.

Wasiirada waxay ahaayeen rag uu ku dambeeyo ixtiraam, waxayna ahaayeen rag aan ku dhiiran karin in ay si buuxda u inkiraan odayaasha iyo waxgaradka gobolka laakiin ay ka tan-badisay dano siyaasadeed iyo xukun jaceyl laakiin gudoomiye Xasan Cumar waxa uu ku dhiiraday in uu muujiyo in uusan wax ixtiram ah u heyn dadkiisa.

Farqiga labaad ayaa ah in wasiirada K.galbeed aysan ku dhiiran in ay u goodiyaan dadka ay matalaan, waxayna isku dayi jireen in marka ay la hadlayaan dadkooda ay adeegsadaan ereyo ay ku soo jeedinayaan, waxa ayna caan ku ahaayeen laba-wajiilanimo gaar ahaan wasiir Fiqi, marka uu dadkiisa la hadlayo waxa uu adeegsan jiray hadalada ay jecel yihiin in ay maqlaan, marka uu la hadlayo dhinaca kalena waxa uu isku dayi jiray in uu hadal ku qanciyo laakiin Gudoomiye Xasan Cumar hadalkiisa waxaa ugu horeeya uguna dambeeya hanjabaad,walow uusan waxba faraha ku heyn.

Farqiga seddexaad ayaa ah in Wasiirada fashilmay ee K.galbeed aysan ku dhiiran in ay u gefaan ciidamada deegaanka, waxayna isku dayeen in ay hadalo macaan oo aan laabta jirin kula hadlaan laakiin gudoomiye Cumar waxa uu si cad u sheegayaa in ciidamada deegaanka uu cagta marinayo, cidii aan isaga taageerina uu soo xirayo, taas oo u eg hadaladii Cali Nuure iyo Cabdul.

Wasiirada Fashilmay ee K.galbeed inkastoo ay isku dayeen in ay dadkooda u gacan-qabtaan kaabamooriyaanta gobolka dhibaatada ka wada, haddana waa ay ku fashalmeen, waxayna gobolka ka huleeleen iyagoo faramaran,Gudoomiye Xasan Cumarna hadii uusan wax ka bedelin habdhaqankiisa waxaa sugaya wadadii ay mareen Wasiiradii fashilmay ee K.Galbeed ama mid ka soo daran.

Maxamuud Ciise

jbiimaal@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE