Haween Sawiradooda lagu daadiyay gudaha Degmada Marka iyo Taliska Ciidamada Deegaanka oo war ka soo saaray

Ciidamada deegaanka ayaa aad u cambaaraayey Haween ka mid ah dadka Gobolka Sh.Hoose oo sawiradooda lagu daadiyay gudaha degmada Marka,wuxuuna ku eedeeyay gudoomiye Xasan Cumar in uu ka dambeeyo arintaas.

Haweenkan Sawiradooda lagu daadiyay magaalada Marka ayaa ahaa dhowr haween ah oo ka mid ah dadka deegaanka oo lacago lagu taakuleynayo ciidmada deegaanka u ururiray, kadibna ku wareejiyay taliyaha ciidamada daraawiishta Cabdullahi Waafow.

Taliye Muuse Cabdi oo la soo xiriiray warsidaha Markanews ayaa sheegay in haweenkaas ay ahaayeen kuwo geesiyaal ah, kuna sifooyin howlkarnimo, waxa dhaqaajiyayna ay ahayd in ay dadkooda ka dulqaadaan dulmiga, cida sawiradooda ku daadisay jidadka magaalada Marka-na ay tahay cid ka soo horjeeda danaha dadka Sh.Hoose.

Taliye Muuse Cabdi ayaa intaa ku daray in gudoomiyaha degmada Marka uu ka dambeeyo arintaas, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in lagu cabsi geliyo dadka ka shaqeynaya danaha dadka Sh.Hoose laakiin iyaga ay gacmaha ka laaban doonin arintaas, ayna difaaci doonaan haweenkaas iyo cid walba oo u shaqeyneysa dadka Sh.Hoose iyo ciidamada deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE