Maxaa ku kalifay Gudoomiye Xasan Cumarey inuu Ka Been Sheego Odayaasha Dhaqanka Ee Beesha Biimaal.

Dhawaan sida la wada ogyahay waxa warbaahinta hadal lala yaabo siiyay Gudoomiye Xasan Cumarey oo sheegay in Odayaasha dhaqanka Beesha Biimaal ay saxiixeen heshiis ay la gaareen qabqablayaal uu hogaaminayo Kaaba Mooryaan Cabdul oo weli farahiisa ay ka muuqdaan dhiiga shacabka Sh.Hoose.

Xasan Cumarey sida ka muuqatay qaabka uu warka u bixiyey ayaa laga dheehanayey inuu kusoo laaban doono warka maadaama uu ku been abuuranayey Odayaal dhaqameed kasoo daalay raadinta nabad laga helo Mooryaanta Cabdul uu matalo.

Sida aan ku helnay xog laga soo dusiyey Gudoomiye Xasan Cumarey waxa lagu cadaadiyey in uu warbaahinta la hadlo si loo baneysto dhiiga Ciidamada deegaanka oo lagu mar marsiyoonayo isbaaro qaadid laakiin ujeedka meesha waa ay ka fogtahay (Baroorta Orgiga ka weyn).

Odayaasha lagu been abuurtay ayaa beeniyey hadalka Xasan Cumarey weliba sii raaciyey warkooda in Habar gidir oo marka joogta aan laga fileyn inay saxiixaan heshiis, waxaana talaabadaas ay ku tilmaameen mid lagu iib geynayo dhulka,cadowgana looga dhicinayo in Xasan Cumareyna uu ka yahay dalaal dhulka iibinaya.

Waxaa marar badan laga war helay in Gudoomiye Xasan uu qorsheenayo weerar ay u adeegsan doonaan Mooyraanta Habar gidir oo magac loo bixiyey (amni soo dabaalid/Biimaal la dagaalid) iyo Amisom oo ay hor kacayaan Isaga iyo Kaaba Mooryaan Cali Takfiir ay warbaahinta kuwa muuqaalka ay ku balansan doonaan mid ka mid ah saldhigyada Ciidamada deegaanka, waxaana halkaas ku fulaya qorshaha waalida ku dhisan ee Cali Takfiit oo guul u arka “waxaan jidgooyo ka qaadnay laamiga” inuu halkaasi ka yiraahdo, halka gudoomiye Xasan wakiil uu ka yahay shirqoolka.

Warka Gudoomiye Xasan Cumarey waxa ku jiray Ciidamada amaanka ma celin doonaan hubkii ay la wareegaa, hadaba yaa waaye ciidanka uu sheegayo, yaase amni sugaya yaase laga sugayaa amaanka, ( mooryaan amaanka xaqiijineysa iyo mooryaan laga xaqiijinayo).

Gudoomiye Xasan oo warbaahinta Muqdisho la hadla ayaa ka horyimid inuu la hadalo ama wareysi uu siiyo warbaahinta sida runta ah u sheegta dagaalada iyo dhibaatada ka jirta Shabeelada Hoose, waxaa meesha uga muuqda in la weydiin doono isbedelka ku yimid mowqifkiisii shalay markii uu dhaawacmayey.

Shacabka ayaa is weydiinaya qorshaha fashilka uu kasoo horeeyo ee Gudoomiye Xasan Cumarey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE