Xog:Maamulka K.Galbeed Oo Shakhsi Kale U Soo Magacaabay Jagada Uu Iska Diiday Gudoomiyihii Hore Ee D.Marka Maxamed Cusmaan Yariisow(Yaa Loo Magacaabay?)

Xog ay heshay shabakadda markanews ayaa sheegeysa in maamulka K.Galbeed uu ruux kale u soo magacaabay jagadii uu iska diiday gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow oo horay loogu magacaabay taliyaha nabadsugida degmada Marka.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in maamulka K.Galbeed uu jagada taliyaha nabadsugida ee degmada Marka uu u magacaabay wiil uu dhalay wasiirkii hore ee gaashaandhiga ee dowladdii Cabdullahi Yuusuf, Muxyadiin Xaaji Ibrahim.
Ninka loo magacaabay taliyaha nabadsugida degmada Marka ayaa ah nin dhalinyaro ah waxa uuna ku sugan yahay hadda magaalada Muqdisho, wax uuna ka tirsan yahay ciidamada nabadsugida ee dowladda Muqdisho.
Wasiirkii hore ee gaashaandhiga ee Soomaliya Muxyadiin Xaaji Ibrahim haddana ka tirsan xisbiga Kulan ayaa saaxiib dhow la ah gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE