Deg Deg Madaxweynaha Puntland Oo Isaga Baxay Shirka Wada tashiga Ee Muqdisho

War laga helayo halka uu ka socdo shirka Wada tashiga ee u dhaxeeya Dowlada Fedaraalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo xubnaha maamulkiisa u matalaya Shirka ay ka baxeen halka uu shirka ka socdo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Gaas iyo xubnihiis ay ka biya diidsanyiihin ka qayb galka Madaxweyanaha Maamulka Gal-Nus Mudug C/kariin Guuleed iyo qodobada looga doodayo shirka.

Waxa socda dadaaalo lagu doonayo in dib loogu celiyo C/weli Maxamed Cali gaas iyo xubniihisa shirka ay kasoo caroodey.

C/weli Gaas ayaa hadal uu horey u sheegay u balan qaaday dadka reer Puntland inay usoo qaadi doonin  wax aan u cuntumin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE