Xaaska Gudoomiyaha Degamada Marka Oo Dhac Loogu Geystay Maanta Duleedka…

Waxaa maanta gelinkii dambe dhac loogu geystay deegaanka Shalambood Xaaska gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey.

Xaaska gudoomiye Xasan Cumar ayaa ah Haweenka ka ganacsada Jaadka, waxaana laga dhacay Jaad ay ka keentay magaalada Muqdisho oo u saarnaa mid ka mid ah caasiyaasha Jaadka oo marayay deegaanka Shalambood ee duleedka Marka.

Xaaska gudoomiyaha ayaa Jaadka ku iibisa suuqa magaalada Marka.

Dhaca ayaa waxaa geystay Maleeshiyo beeleedka Xasan Jaamici ee ku sugan deegaanka Shalambood.

Ma jirto wax dhibaato ah oo ka soo gaartay xaaska gudoomiyaha iyo dadkii kale ee saarnaa gaariga Jaadka dhacdadaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE