Dhageyso Ma cabsi baa ka keentay Xildhibaan Dhalxa in uu ka tago qeyb ka mid ah taariikhda dulmiga lagu hayo reer Sh.Hoose mise Wariye beeleedka ayaa…

Wareysi uu maanta siiyay xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho wuxuu kaga hadlay dulmiga soo jireenka ah ee ka jira gobolka Sh.Hoose iyo sida ay xukuumadihii soo maray dalka ay qeyb uga ahayeen.

Mar uu ka hadlayay boobka dhulbeereedka dadka Sh.Hoose waxa uu ka soo bilaabay xilligii Taliyaaniga ilaa dowladii Maxamed Siyaad Bare, laakiin marna kama hadlin boobka beeraha ee ay jabhadihii USC iyo SNA ay ku sameeyeeyeen dadka Sh.Hoose, kuwaas oo xilligan ay garabsiinayaan xukuumadda Xasan Sheekh iyo ganacsada u dhalatay beelahaas ee Muqdisho saldhigooda yahay.

Haddaba, Prof. Dhalxa ma cabsi baa keentay in taariikhdaas muhiimka ah uu ka tago mise cabsi ayaa ka keentay, oo naftiisa ayuu u baqay mar hadii uu joogo Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE