Dhegeyso Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ka warbixiyey halka ay marayaan tababarada Ciidamada Maamulka

Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur galbeed Cali Eelaay ayaa ka warbixiyey qaabka ay u socdaan taba barada la siinayo ciidamo loo tababarayo Maamulka wasiirka uu ka yahay.

Cali Eeelaay ayaa tilmaamay in guud ahaan degmooyinka Koonfur galbeed uu ka socda sidii tababar ciidan ay u heli lahaayeen dhalanyaro deegaanka ah si ay ula wareegaan amaanka iyo la dagaalanka kooxaha nabad kasoo horjeeda.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in meel fiican ay marayaan howl galo ka dhan ah dagaalyahaanada shabaab oo hada u muuqda iny sii kodheyso awooda ay u leeyihiin inay baajiyaan weeraro kaga yimaada Ciidamada amisom iyo kuwa maamul goboleedka.

Ugu dambeyn Wasiirka hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta maleeshiyada ee Maamulka Koonfur galbeed Cali Eelaay ayaa ka warbixiyey safaro kala duwan oo ay ku mareen degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Baay.

Dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE