Dood Ka dhalatay Taageerayaasha Musharax Trump Oo Aflagaadeeyey Muslimiinta iyo Obama (Video)

Goobaha lagu sheekeysto iyo baraha Internetka ee Wadanka Mareekanka ayaa waxa leysla dhex marayaa dood ka dhalatay goob Ol-ole uu ugu jiray mid ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtanimada Dalka Mareekanka.

Mid ka mid ah kirishtanka ay ku fogaatay xag jirnimada ayaa su’aal uu weydiiyey Musharax Madaxweyne Donald Trump ku eedeeyey Madaxweynaha Dalkaasi Mareekanka Obama in haatan uu yahay Muslim doonaya in dhulka uu la galo Dalka Mareekanka.

“Dhibaatada Dalkan heysta waa Muslimiinta, waxaan ognahay in Madaxweyne Obama  uu yahay Muslim mana ahan nin u dhashay dalkan, waxaana jira xeryo lagu tababaro Muslimiinta si ay ula dagaalamaan kirishtaanka, marka su’aasha aan qabo waxay tahay goormaa laga gudbaa caqabadahaas” ayuu yiri kii kirishtaanka ahaa ee su’aasha weydiinayey Musharaxa madaxweynaha.

Su’aashaas oo u muuqatay mid uu u riyaaqay Musharaxa ayaa si ay jecleysteen dadka kirishtaanka ah ugu jawaabay, waxaana arintaasi ay keentay doodo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE