Kooxo Hubeysan Oo Saake Haweeney Boliiska Ka Tirsan Ku Dilay Degmada Xamar Jajab

Kooxo hubeysan ayaa suuqa ansalooti ee Degmada Xamara Jajab waxa ay ku dileen Haweeney ganacsta ah oo khudaar ku iibin jirtay Suuqa.

Dilka ayaa dhacay saake aroortii waxaana la sheegay in ay ka dambeeyeen laba dhalanyaro oo bistoolado ku hubeysan, waxaana ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen oo aheyd afaafka hore ee Suuqa ansalooti.

Haweeneyda la dilaya ayaa magaceeda lagu soo koobay Canshuuro Cali oo ganacstada kudaarta ka mid aheyd, waxaana la sheegay in gelinkii dambe ee maalintii ay ku shaqeysan jirtay Ciidannimo.

Waxaana ay ka tirsaneyd Ciidanka Boliiska ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, haweeneyda ayaa lagu bedelay Odeygeeda oo horey u geeriyoodey islamarkaana ka mid ahaa askarta Degada Xamar Jajab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE