Maxaa Looga Hadlay Kulan Maanta Marka Ku Dhexmaray Gudoomiye Xasan Cumarey Iyo Odayaal, Maxaase Kasoo Baxay?

Waxaa Maanta Magaalada Marka Kulan ku yeeshay Odayaal, dhalanyaro iyo Gudoomiye Xasan Cumarey.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Ayuub NGO, Ex WFL, waxaana looga hadlayey sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen Shacabka iyo Gudoomiye Xasan iyo in uu muujiyo kalsooni iyo waxqabad uu la yimaado si loogu guuleysto dhibaatooyinka Magaalada ragaadiyey.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Odayaasha shirka ka qeyb galay Gudoomiye Xasan ayaa warbixin guud laga siiyey go’aanka laga qabo Maamulkiisa oo ay ku jiraan dambiilayaal dhiigaya cab ah iyo inay suuragal aheyn in Maamulkiisa la taageero inta uu warbaahinta siinayo hadalo ay ku hadaaqi jireen kaaba mooryaano dhulka kusoo duulay iyo calooshooda u shaqeystayaal shirqoolka ka shaqeen jiray.

Waxaa kaloo gudomiye Xasan looga sheekeeyey hadiiba shacabka ay doonayaan inay wax la wadaagaan mooryaan dhulka kusoo duushay ay la shaqeen lahaayeen Wasiiradii fashilmay oo iyagoo duleysan Magaalada ka kala dhuuntay.

Gudoomiye Xasan ayaa la hordhigay hadii uu run sheegayo in uu ogolaado 100 Wiil oo hubeysan si uu ugu guuleysto hadafkiisa uuna u helo kalsoonida shacabka.

Ugu dambeyn Gudoomiyte Xasan ayaa loogu baaqay in uu ka waantoobo hadalada handadaada ah ee warbaahinta uu siiyo gaar ahaan warbaahinta Kaaba Mooryaanta ay u adeegsadaan hurinta colaada Shabeelada hoose.

Intaasi ka dib waxa hadalka la wareegay Gudoomiye Xasan oo ay sugayeen ka qaybgalayaasha inay ogaadaan fikarka uu qabo Gudoomiyaha hadii uu is bedel ku yimid hadalkii uu warbaahinta siin jiray iyo hadii uu la mid yahay isaga oo lala fadhiyo.

Waxa ugu horeyn uu ka horyimid in la siiyo 100 askari, wuxuuna weydiistay 20 wiil weliba Odayaasha ay bixinayaan saadkooda oo maamulkiisa aan la weydiin doonin wax tasiilaad ah oo ku baxaya askartaasi.

Waxaa uu ku adkeystay in Maamulkiisa uu yahay Maamul Dowladeed oo aan marnaba laga sugeynin in uu u jilacsanaado askar uu ugu magac daray Askar Maroodi oo uu ula jeedo Wiilasha in ka badan seddax sano usoo taagnaa difaaca dalka iyo deegaanka.

Sidoo kale gudoomiye Xasan ayaa hadalada warbaahinta Mooryaanta uu siiyo ku micneeyey in warbaahinta kale aanay u qaadaneynin sida uu isaga uu u rabo oo uu ku sheegay inay tahay buun buuninta warka ay jecleystaan Mooryaanta dhabarka dambe ka maamuleysa.

Ugu dambeyntii shirka ayaa kusoo idlaaday in Gudoomiye Xasan haatan aanu xamili karin Ciidan tira badan oo magaalada uu geliyo, wuxuuna carabka ku dhuftay in Amisom hada aanay raali ka eheyn seddax wiil oo u joogta.

“Amisom waxay igu tiri adi hadii aad shan askar la timaadid Cali Nuure wuxuu la imaanayaa shan kale waxaana sidaa ku dhalanaya isku dhac ciidan” ayuu yiri Xasan oo ka jawaabayey su’aalaha ay hordhigeen Odayaasha.

Dadkii kulanka ka qayb qaatay ayaa Gudoomiye Xasan si cad ugu sheegay inta uu ku mashquulsan yahay Maamul Dowladeed aanay waxba u socon doonin.

“Waafow, Cabdow Abuukar, Gudoomiye Yariisow iyo raga la midka ah waxa soo magacaabay Dowlad iyagoo socda nooma imaan, kuwa la dagaalmaya waa Ciidamo Gaashaandhiga laga soo diray ayagaa u diiday in Mas’uuliyadooda ay gutaan waxaan sugeynaa waqtiga aad soo joogasato ama aad marto meesha ay ka baxeen ragii kaa horeeyey” waxa sidaa ku yiri Mid ka mid ah Odyaasha.

Odayaasha shirka ayaa kulankaas u arka mid ay ku ogaanayeen mowqifka Gudoomiye Xasan iyo inay gaarsiiyaan goaa’nkooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE