Warar Sheegaya In Maamulka Axmed Madoobe Uu Ka Baxay Shirka Muqdisho

Waxaa gelinkii hore ee Maanta laga war helay in Maamulka Puntland oo isaga baxay shirka hiigsiga sanada 2016-ka oo ay ka qeyb galayeen Madaxda Dowlada fedaraalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweyne Gaas ayaa ka horymid ka qeyb galka Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed oo ay isku haayaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale gelinkii dambe ee maanta waxa shirka dhankooda ka baxay Maamulka Jubbaland oo ku biiray ergada Puntland oo dibad joog ka eheyd shirka.

Maamulka Axmed Madoobe si cad uma sheegin ujeedada ay uga baxeen shirka waxaana lasoo wariyey in ay saluugsanyihii qodobo ku jira shirka oo ay kutilmaameen kuwo ay wataan Madaxda Dowlada Fedaraalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE