Shirkii Muqdishu Uga Socday Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda Federalka Oo La soo Afmeeray

Is jiid-jiid waqti badan qaatay kadib waxaa la stoo gabagabeeyey shirkii maamul goboleedyada iyo dowladda Muqdishu uga socday.

Waxaa isfaham laga gaaray arimaha la xiriiro doorashada 2016-ka lagu dooran madaxweyne cusub oo Somalia yeelan doonto. Waxyaabaha laga xusi karo natiijada shirka waxaa ugu muhiimsan:

1- In la sameeyo Madasha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban Maamul goboleedyada, xildhibaanada federalka, Bulshada rayidka iyo golaha wasiirada federalka.

2- In bisha Jannaayo 2016-ka go’aan laga gaaro cidda soo xuleyso xildhibaanada federalka ee soo dooran doono madaxweynaha cusub ee Somalia.

Arimahii ku saabsnaa diidmada Puntland iyo Jubaland ee aqoonsiga Galmudug wax heshiis ah lagams gaarin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE